Sidaa darted Ururka Hormarinta Soamlida Itoobiya ayaa ah Urur u taagan qurbajoogta DDSI ee UK hadey taageero dhanka gargaarka sida Agabka Caafimaadka, Agabka Waxbarashada, iyo Taageerooyinka kala duwan ee qofka muwaadinka doonaya in uu deegaanka ugu deeqayo u fudadeyneysa islamarkaana UHSI isku xidhayo Masuuliyiinta Khuseeya Goobta Agabka deeqda ah lageynayo.
Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ayaa ah Hayad dowli ah oo ka duwaan gashay Guud ahaan dalka Itoobiya islamarkaana Ismaamulada Deegaannada ka diwaan gashay taasoo ay xaruumo kuleedahay dalalka ay Qurbajoogta at kubadan yihiin Wakiilo matalaya iyo xafisyo at ku leeyihiin hadaba Ururka ayaa loo as aasay in ay buuxiyaan dulduleelada Ururka ayaa wax weyn ka qabtay deegaanka.
Hogaaminta Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ayaa Kulan ku yeeshay Magaalada London kulankaasi oo lagu sii Xoojinayo Ururka Hormarinta Sidii howlaha lagu hormarinayo deegaanka at uga qeybqaadan lahaayeen islamarkaana Ururka ayaa wuxuu Abaalmarin gudoonsiyay Xubnihii Ururka Waxbadan soo shaqeeyay sifa loo dhiirigaliyo xubnaha kale ee Ururka Waxaana kamid ayheyd Marwo Fardowsa Suldan Maxauud Haybe.
Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Marwo Sacdiya Cabaas ayaa u mahad ceisay dhaman Xubnaha Uruurka Hormarinta Somalida Itoobiya waxeyna kula dardaarantay sidii loo dardargalin lahaa UHSI islamarkaana Taageerada deegaanka loo sii xoojin lahaa waxaa halkaasi xubnaha kasoo qeybgalay kulanka ballan qaadeen in taageerida UHSI at sii laba laabayaan islamarkaana ayka miro dhalin doonaan sidoo logu hormarin lahaa deegaanka waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay 2-dii sano ee lasoo dhaafay ururka waxa u Qabsoomay iyo waxa aan u qabsoomin sidii loo dhameystiri lahaa waxaana halkaasi lagu soo bandhigay lacagihii rasiidadii iyo goobihii ay ku baxday dhamaan Xubnaha Ururka ayaa soo dhaweeyay Qiimeynta.
Waxaa kaloo dhamaan Xubnaha ururka isku wada raaceen afar xubnood in lagu soo daro madaama ururka shaqooyin badan u yaala waxaan halkaasi lagu soo doortay afar xubnood aad u firfircoon
1.Gudoomiye Kuxigeenka Axmed Muqtar Adan
2. Afhayeenka Ururka Faysal Sh Cabdiraxmaan
3. Qasnajika Safiya Cismaan
4. Isku Xidhka NGO yada iyo Uru
rka Cabdiraxmaan Fidaar
Ugu dambeyntii, kulankaasi aya ku soo gabagaboobay farxad iyo in at hogaaminta at iska kaashadaan dhamaan howlaha lagu hormarin deegaanka .
Comments are closed