Gargaarka iyo taageeraha xukuumada DDSI ee kuwajahan Bulshada ay saamaysay isbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keentay ayaa waxaa isbarbarsocota deeqaha kaladuwan ee raashinka, calafka xoolha, dawooyinka iyo waliba xirfadlayaasha cafimaadka. Iyadoo maantana Wafti balaadhan oo ku koobaan heer deegan islamarkaana ay hogaaminayeen wasiiro Heerdeegaan ah oo sita diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalkeena oo wada dawooyin iyo xirfadlayaal caafimaad ay gaadhsiiyeen meelo kamid ah goobaha abaartu saamaysay ee gobolka jarar iyo waliba meelo kale.
Hadaba, waftigan oo ay hogaaminayeen wasiirka xafiiska dooxooyinka DDSI mudane suldaan maxamed, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan ismaaciil, wasirrka xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in bulshada deegaanka ee ay saamaysay isbadalka cimilada ee roobyaraanta keentay ay lagarabtaagan yihiin hiil iyo hooba. Waxayna intaa kudareen in shalay iyo maantaba ay kujireen gaadhsiinta bulshadaas dawooyin iyo xirfadlayaal caafimaad iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada difaaca dalkeena.
Sidookale, wasiiraddan ayaa xusay in ay booqdeen xarumaha caafimaadka ee degmooyinka sida gunagado islamarkaana ay kudajinayeen daawooyinka kaladuwan, cuntooyinka nafaqada-caruurta iyo waliba xirfadlayaal caafimaad. Waxayna tilmaameen in taageeraha aan loo kalahadhaynin islamarkaana ciidamada kaladuwani ee heer dal iyo heer deegaanba ay u adegayaan bulshada DDSI
Dhankooda bulshadii lagaadhsiiyay adeegyada kaladuwan ee kusugnaa degmoooyinkaas ayaa aad u soodhaweeyay islamarkaana duco iyo mahadcelin balaadhan usoojeediyay dhamaan xukuumada DDSI.
Iskusoowada duuboo, waftigan heer-deegaan ah ee sitay diyaardaha qumaatiga u kaca ee dalkeena ayaa deeqdan gaadhsiiyay degmooyinka gunagado, daroor, galaadi, dhagaxmadaw iyo waliba goobokale.
Comments are closed