Wasiirka Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Kulan dar-daaran ah la yeelatay kooxo loo dirayey gobolada deegaanka.

Jigjiga (estvlive) 29/03/2017

Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa kulan dar-daaran ah kula yeelatay xafiiskeeda 4 kooxood oo isku dhafka kuwaasi oo loo kala dirayay dhamaan gobolada deegaanka iyo jaamacadaha dalka.

 

kooxahan oo laga soo kala xulay waaxaha kala duwan ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxay ujeedada loo kala dirayaa tahay in ay ka soo qabtaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka  gaar ahaan 25kii degmo ee cusbaa tababarka tababartayaasha(TOT)  oo loo qaban-doono masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinkaasi cusub si ay u soo dhistaan qaab dhismeedka tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi cusub iyo in ay kor-meer indho indhayn ah ku soo sameeyay ardayda DDSI ee wax ka barata  jaamacadaha dalka.

wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa si qoto dheer ula dar-daarantay kooxahan isku dhafka, waxayna sheegtay in xafiiska oo ka duulaya taaba galinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha  jaan-qaadkiisa 2aad  iyo hirgalinta  qorshaha 2009TI in uu xafiisku  xooga saaray fulinta qorshayashaasi , ujeedooyinka kooxahan loo dirayaana ay qayb ka yihiin dar-dargalinta iyo fulinta qorshayaasi. Wasiirka ayaa si mug leh ugu boorisay kooxahan isku dhafka ah ee loo kala dirayay gobolada deegaanka iyo jaamacadaha dalka in ay xilka iyo  waajibaadka loo igmaday sidii loogu talagalay uga soo baxaan maadaamo oo shaqadan loo diray tahay mid qayb-wayn ka qaadanaysa hirgalinta qorshayaasha shaqada iyo tayada wax-barashada ardayda DDSI ee dhigata jaamacadaha dalka.

ugu danbayntii kooxahan xafiisku u kala   diray gobolada deegaanka degmooyinkii iyo jaamacadaha dalka ayaa  waxay degmooyinka deegaanka ka soo fulinayaan tababaro kor loogu qaadayo awooda fulineed ee shaqaalaha degmooyinka deegaanka, iswaafajinta qaab dhismeedkii hore ee degmooyinka ka jiray qaab dhismeedka BPR-ka, si looga fuliyo qorshaha cusub ee qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (JEG) oo laga hirgalinayo dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka, xoojinta iyo dhisida iskaashatooyinka farsamada casriga ah ee heer degmo ilaa heer tuulo iyo sidii daraasaad loogu soo samayn lahaa ardayda DDSI ee dhigata jaamacadaha dalka si loo ogaado  tirada ardayda  iyo tayada waxbarashadooda.

Comments are closed