Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminaya ayaa markii ay ka soo baxeen magaalada danood waxay soo mareen tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin tuuladaSamu, Qoriile iyo tuulada banbaase waxayna dhamaan tuulooyinkaasi ay soomareen iyo goobkasta oo ay kula kulmaan bulshada ay gaadhsiinayeen deeqo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan, biyo iyo dawooyinka dadka iyo duunyadaba. Waxayna waftigu bulshada kala qaybqaadanayeen xaalada ay ku sugan yihiin.
Ugu danbayn Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qaybaha kala duwan ee bulsahda ku dhaqan tuulooyinkaasi ay soo mareen ka xogwaraysanayay xaalada abaarta kuna boorinayay in ay roob-doon sameeyaan Waftigan uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta soo galay magaalada marsin ee gobolka qoraxay iyadoo shacabka degmada marsin ay waftiga si diiran ugu soo dhaweeyeen duleedka magaalada, waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu usii dhaafeen dhinaca degmada gaashaamo iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan qabalaha ceelbaxay ee degmada gaashaamo.
Comments are closed