Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada daroor ee gobalka jarar halkaas oo ay si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada daroor, Wuxuuna madaxwaynahu xadhiga ka jaray ceelbiyood (Riig ah) oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada daroor, Intaasi ka dib waxay madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo u soo ambaxabeen dhinaca degmada awaare ee gobolka jarar iyada oo ay halkaasi qaybaha kala duwan ee bulshadu ku soo dhaweeyeen markii ay soo galeen waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa waxa uu sidoo kale madaxwaynuhu xadhiga ka jaray ceelbiyood (riig ah) oo ay xukuuamda DDSI ka hirgalisay magaalada awaare kaas oo looga faa’iidaysano xiligan in ay isticmaalaan bulshada abaaruhu saameeyeen.
Ugu danbayn madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa intii ay dhexda ku soo jireen tuulo kasta iyo magaalo kasta oo ay soo gaadhaan waxay shacabka gaadhsiinayeen raashinka noocyadiisa kala duwan, calafka xoolaha iyo biyo iyada oo uu dhinaca kale madaxwaynahu iska xogwaraysanayeen bulshada ay la kulmaan xaaladaha abaaraha. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa wakhti-xaadirkan ku sugan magaalada awaare ee gobalka jarar.
Comments are closed