DAAWO Tirada Dhimashada oo Kor u Kacdey Colombia Kadib Markii Dhulku La Dumey

Macoa (estlive) 02/04/2017

Waxaa burburka guryaha iyo ciida hoosteeda laga soo saarey meyayd cusub magaalada Mocoa ee dalka Kolombiya. Dhimashada ayaa hadda gaartey 254 qof, sida ay sheegtey hay’adda badbaadinta ee Colombia. Waxaana ku dhaawacmey boqolaal qof oo kale.

 

Kadib markii roobab xooggan ay ka da’een Kolmibiya maalintii Sabtida ayaa dhulku dumey waxaana ku soo rogmadey biyo xooggan oo wata ciid.

Xiliga musiibadan ay dhacaysey ayaa dadka badankiis huerdeen.

Madaxweynaha dalka Kolombiya Juan Manuel Santo ayaa u duuley magaalada Mocoa si uu ula socdo xaaladda gargaarka. 1100 oo askeri ayaa loo direy dhulka musiibadu ka dhacdey si dadka looga soo saaro xabaalaha.

Comments are closed