Burcad-badeed Afduubay Markab Xamuul Ah.

Muqdisho (estvlive) 03/04/2017

Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in  xeebaha Soomaaliya   ay ku afduubeen markab kuwa xamuulka qaada  oo sita calanka wadanka Hindiya, sida ay qorayaan wakaaladaha wararka Caalamka

Markabkan oo lagu magacaabo Al-kowshar ayaa ka soo shiraacatay dekeda dubai, wuxuna  ku sii jeeday dekeda Mukala ee dalka Yemen, waxaana saarnaa 11 shaqaale  xilligii koox hubaysan ay xoog ku fuuleen markabka.

” Waxaan rumaysanahay in kooxda afduubatay markabka ay ahaayeen burcad-badeed, wuxuu ku sii jeeday xeebaha Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Agaasimihii hore ee la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Cabdirisaaq maxamed Dirir

dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xignaysa shirk ammaanka xeebaha ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in markabka laga afduubay xeebaha Soomaaiya, khadkiisuna ahaa dubai-Bosaso

Bishii hore kooxo burcad-badeed ah ayaa markii u horrasay muddo 5 sanno ah  afduubay markab shidaal oo ku sii jeeday Muqdisho, hase yeeshee waa la sii daayay ka dib markii Ciidamadda Badda Puntland ay weerar ku qaadeen, waxaa kaloo kooxo kale ay afduubeen dooni kalluumaysig taasi oo ugu talagaleen inay ku ugaarsadaan maraakiibta kale ee maraya xeebaha Gacanka cadmeed iyo badweynt Hindiya.

Comments are closed