Boko Xaram ayaa inta badan lagaa saaray dhulkii ay ku sugnaan jireen, walow ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dhulkii ay ku xooganaan jireen ee Waqooyiga Nigeria.
Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa markuu xukunka qabtay sheegay inuu wax badan ka bedali doono ciidamada Nigeria, Madaxweyne Buhari oo isagu jeneraal horey uga soo tirsanaan jiray militariga dalkaasi ayaa xooga saaray dhismo ciidamo cusub kuwaasi oo hada inta badan la wareegay goobihii ay horey u joogi jireen Boko Xaram oo hada difaac uga jirta goobo kooban oo ka tirsan dhulka Hawdka ah ee Sambisa Forest.
Comments are closed