Qorshaha ciidamadan ayaa ah in ay xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan caasimada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda, si ay u kabaan ciidamadii horey u joogay Soomaaliya oo qaarkood la filayo inay hawlgalo horleh ka fulin doonaan koonfurta Soomaaliya.
Gen.David Muhoozi oo khudbad usoo jeediyey ciidamadan ayaa ka codsaday in ay dhawraan Xaquuqul Insaanka iyo sumcada dalka Ugandha inta ay gudanayaan hawlgalkooda Soomaaliya.
“…Barta oo fahma Dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka, illaaliya xaquuqda shacabka. Si wanaagsana ulla dhaqma idinkoo aan awood adeegsan…”ayuu yiri Taliyahooda Gen.Muhoozi.
Wuxuu sidoo kale Taliyaha ciidamadan kula dardaarmay inay si weyn uga feejignaadaan weerarada kooxda Al Shabaab.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hawlgalka AMiSOM ansixiyey inuu socdo illaa sanadka soo socda ee 2018, walow la filayo in markale wakhtiga joogitaankooda Soomaaliya loo kordhiyo.
Qorshaha Beesha Caalamka ayaa ah in ciidamada AMISOM ay sii joogaan koonfurta Soomaaliya, illaa inta laga helayo ciidamada Qaranka Soomaaliya ee hananka xasilinta gobaladaasi.
Balse dadka falanqeeya siyaasada ayaa qaarkood sheegaan in Dhaqaalaha ugu badan ee Beesha Caalamka siiso Soomaaliya ay ku baxaan dhanka Amniga gaar ahaan ciidamada AMISOM, iyadoona aan weli si gaar ah loo qoondeen miisaaniyada dhismaha iyo Qalabeynta ciidamada Qaranka Soomaaliya oo ay weliba saarantahay Xayiraad ama cunaqabateyn ah dhanka hubka culus.
Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa sadexdii sano ee lasoo dhaafay si KMG ah looga qaaday cunaqabteyntii hubka fudud, waxaana jiray hub ay Soomaaliya ka heshay dalalka deeqda siiya, walow mashruucaasi uu hakad ku yimid kadib markii ay soo baxeen xog sheegaysa in qeyb kamid ah Hubkii ku jiray Kaydka Ciidamada Soomaaliya loo gacan geliyey Al Shabaab sida lagu xusay warbixinadii uu diyaariyey guddiga kormeerka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya.
Dowlada cusub ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa laga sugayaa inay soo diyaariso Qorshaha iyo miisaaniyada ay ku dhisi doonto ciidamada cusub ee Soomaaliya, waxaana la ogeyn inta ay la ekaan doonto dhaqaalaha ay miisaaniyadaasi ku kabaan dowladaha dhanka ciidanka ka taageera dalka Soomaaliya.
Comments are closed