Sanadkii 2014 ayey ka baxdey gacanta al-Shabaab kadib markii ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay la wareegeen halkaas saldhigyona ka samaysteen.
Dad goobjoog ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamo faro badan oo ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada, Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada Itoobiyaanku ay ka baxeen saldhigoodi, muddadii ay bixitaanka ku jireen waxay jareen dhamaan isgaarsiintii magaalada.
Degmada Ceelbuur ayaa noqoneysa magaalada labaad ee al-Shabaab ay gacanta ku hayaan 6-da degmo ee gobolka Galguduud ka kooban yahay, halka labo kale ay gacanta ku hayaan ururka ahlu-sunnah.
Dowladda Itoobiya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya qarkood ku socdaan magaca AMISOM halka qar kalena aysan haysan wax Mandate ah ayaa la sheegayaa xiriirka ay la leedahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo aanu ahayn mid fiican.
Comments are closed