DAAWO Qabridahare Madaxweynaha DDSI Maanta Soo Dhaweeyay Wafdi Heer Caalami ah & Heer Federal

Qabridahare (estvlive) 03/04/2017

 

 

 

 

 

Madaxway naha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada qabridahar wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka jarmalka mudane Dr Gerd Muller oo ay ku wehelinayaan safiirka wadanka Germany u fadhiya dalkeena itoobiya iyo masuuliyiin sare oo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid yihiin UNICEF , OCHA iyo WFP. Waxaana waftigan ka soo raacay xarunta dalka ee Addisababa masuuliyiin uu ka mid yahay komishineerka komishinka maaraynta masiibooyinka JDFI mudane Mituku Kaase.

Soo dhawayn ka dib waxay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan kulan ku qaateen qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar kulankaas oo uu ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo waftigan ku soo dhaweeyay deegaanka wuxuuna madaxwaynuhu si qoto dheer uga waramay sida ay wadanka jarmalku iyo hayadaha caalamiga ah xiligan isku garab istaageen xukuumada DDSI ee ay uga qayb-qaadanayaan deeqaha la gaadhsiinayo shacabka DDSI ee ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen

Dhankiisa waxaa kulankaasi ka hadlay wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka jarmalka mudane Dr Gerd muller oo ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda isaga oo sheegay in ay tahay sidii ugu kuurgalilahaayeen xaaladaha abaarta ka jirta qaarka mid ah degmooyinka DDSI kaalina uga qaysan lahaayeen iyo sidii ay u ogaan lahaayeen mashaariicaha horumarineed ee ay dalka jarmalku ka fulinayaan deegaanka. Intaasi ka dib ayaa waxay waftigan siwada jir ah u booqdeen tuulada waafdhuug oo kamid ah  tuulooyinka hoostaga degmada wardheer ee gobolka Doolo iyagoo soo indha indheeyay bulshada abaaruhu saameeyeen gaar ahaan goobaha laga wado quudinta. Waxayna waftigan markii ay soo arkeen bulshada abaaruhu saameeyeen dib ugu soo noqdeen magaalada qabridahar iyada oo galabnimadii maanta ay dib ugu noqdeen xarunta dalka ee Addisababa. Madaxwaynaha DDSI ayaa ka dib markii uu sagootiyay waftigan waxay isaga iyo masuuliyiintii uu hogaaminayay booqdeen mashruuca waraabka beeraha ee laga hirgaliyay tuulada maraacaato halkaasi oo ay ku soo indha indheeyeen mashruucan oo xiligan ay buuxiyeen biyihii roobku. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in mashruucan maraacaato sidii loogu talagalay oo dhamaystiran wixii hadda ka danbeeyana laga faa’iidaysan doono.

Ugu danbayn madaxwayanaha DDSI iyo waftigii uu hogaaminayay ee ku guda jiray socdaalkii lagu darsayay xaaladaha abaarta ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada qabridahar ee xarunta gobalka qoraxey.

Comments are closed