DAAWO Maraykanka Oo Duqeeyay Saldhigyo Ciidamada Cirka ee Suuriya – Video

Dowladda Maraykanka ayaa  ugu yaraan 59 Gantaal oo nooca Tomahawk waxay ku ganeen saldhigyo ciidamada Cirka  suuriya ay leeyihiin  oo ku yaala duleedka magaaladda Homs.

Weerarkan oo  dhacay  goor dambe oo xalay ah, ayaa gantaalaha waxaa laga soo riday markab fadhiyay badda Mediterian. Saraakiisha maraykanku waxay sheegeen  in weerarku waxyeelo weyn gaarsiiyay ama burburiyay qeybo kamid diyaarado dagaal, Hangaro, goobo lagu keydinayay hubka iyo qalab ay adeegsadaan ciidamada cirka ee Siiriya ee yaalay saldhigaasi Shayrat airfield.

Bartilmaameedyada la beegsaday waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee ku yaal magaalada Homs, halkaasi oo la sheegay in diyaaradaha Suuriya ay ka qaadeen weerarkii hubka kiimimada loo adeegsaday ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun oo ku taal gobalka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Siiriya, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan  70 qof

Ugu yaraan lix askari oo siiriyaan ah ayaa ku dhintay weerarkaasi oo dowlada Suuriya ku tilmaamtay mid gardaro ah oo dandaansi ah oo ku xadgudbaya xeerarka caalamka

Weerarka waxaa soo dhaweeyay isbahaysiga mucaraadka Siiriya  iyo wadamada Sucuudiga iyo Turkiga, waxaa cambaareeyay Wadamada Iran iyo Ruushka oo xiriir dhow la leh xukuumadda Bashaar Al-asad.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in  shaki ku jirin inay xukuumada Suuriya ay isticmaashay kiimimada mamnuuca ka ah adduunka, ayna ku xadgudubtay masuuliyada ka saaran u hoggaansanaata bayaanadda hubka kiimikada aduunka iyo go’aanadii gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee dowlada Siiriya way beenisay inay qaaday weerarkaasi kiimimada sunta ah.

Comments are closed