3-Qof dhimasho Muqdisho Hoobiyayaal lagu Weeraray Degmada Wadajir

Muqdisho (estvlive) 07/04/2017

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray hoobiyayaal lagu weeraray Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Axmed Cabdullaahi Afrax oo aha guddoomiyaha degmada Wadajir oo warbaahinta maxaliga ah ee muqdisho u waramay, wuxuu sheegay in tiradda dhimashadu ay  gaarayso 4 qof, halka saddex qofna uu dhaawac ka soo gaaray hoobiyayaashaasi.

Weerarkan ugu dambeeyay, wuxuu imaanaya iyadoo maalintii shalay madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay inuu dalka galay xaaalad  dagaal, wuxuuna ugu baaqay  shacabka inay la shaaqeeyaan  ciidamada amaanka.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo cafis 60 maalmood ah u fidiyay dhalinyarada ka so goosta ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jirta.

Comments are closed