Hadaba waftigan uu hogaaminyo madaxwaynaha DDSI ayaa intii ay ku jireen jidka u dhexeeya garbo iyo sagag waxay sii mareen tuulooyin badan oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada iska xogwaraysanayeen xaaladaha abaarta lana gaadhsiinayay bulshada deeqo raashin iyo calafka xoolaha isugu jira. waxaana waftigan si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada sagag halkaasi oo uu madaxwaynaha DDSI xadhiga kaga jaray ceel-biyood (riig ah ) oo la yidhaahdo biyo janaale oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay degmada sagag kaasi oo xiligan looga faa’iidaynayo bulshada abaaruhu saameeyeen. Intaasi ka dib waxay waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mdune Cabdi Maxamuud Cumar kulan balaadhan la yeeshay qabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada sagaga kulankaasi oo lagu gorfeeyay qorshayaasha horumarka iyo sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta.
Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta u soo ambabaxay dhinaca degmada dhagaxmadaw ee gobolka jarar iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada dhagaxmadaw soo dhawayn ka dibna waxuu madaxwaynuhu xadhiga ka jaray ceel-biyood laga hirgaliyay degmada dhagaxmadaw oo ah ceelkii 7aad ee uu xadhiga ka jaro madaxwaynuhu inta lagu jiro socdaalkan.
Ugu danbayntii Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo wali ku jira socdaalkii dheeraa lagu marayay qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka DDSI ayaa wakhti-xaadirkan ku sugan magaalada dhagaxmadaw ee gobolka jarar.
Comments are closed