Markabkan oo lagu magacaabo OS35, ayaa sidoo kale waxaa websit-kooda kaga hadlay shirkadda Britian u qaabilsan howlgalada ganacsiga bada ee UKMTO, taasi oo xiriirisa maraakiibta mara gacanta cadan iyo bada cas, waxayna sheegeen inay fariin ka heleen markabka xili hore oo maalintii sabtidii ahayd oo shaqaalaha ku sheegeen in markabka la soo weeraray, oo dusha loo soo fuulay.
Gabagabadii, Afduubkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay koox burcad-badeed ah ay afduubeen dooni laga leeyahay wadanka Hindiya oo ka timim magaaladda Dubai, waxaa kaloo bishii march la afduubay markab siday shidaal, kaasi oo ay xoog ku soo furteen ciidamada badda Puntland.
Comments are closed