Wasiirka Caafimaadka Itoobiya Waan Xakameynay Cudurka Shuban Biyoodka DDSI ka dhacay

Addisababa (estvlive) 14/04/2017

Wasiir Caafimaadka Itoobiya Prof Yifru Birhane  ayaa maanta warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo diyaar garowga loo baahan yahay si looga hortago cudurka Shuban Biyood  wasiirka  ayaa ku booriyay  in dadweynaha  ay hagaajiyaan fayadhowrka iyo nadaafadda. 

 

Cudurku waa u nugul meelaha Nadaafadoda ay hooseeyso  iyo fayadhowrka  Prof Yifru sheegay waxaa muhiim ah in ay ka shaqeeyaan hab isku dhafan si loo wanaajiyo adeegyada. caafimaadka Wasiirka yaa sheegay Ismaamulka dawad deegaanka somalida Itoobiya uu ka dilaacay shuban biyoodka waxaana suurtagashay in la xakameeyo baahsanaadta cudurka.

Sida laga soo xigtay isaga, wasaaradda Caafimaadka deegaanka Somalida Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha diinta oo iskaashanaya sidii loo xakameyn lahaa cudurka ka dilaacay qaar ka mid ah deegaanka. Xukuumada dawlad deegaanka somalida itoobiya ayaa u dirtay degmooyinka deegaanka kooxda rugaha caafimaadka Mobile si loo xakameeyo faafidda cudurka. 

Wasiirka ayaa inta ku daray dadaal xoogan la sameeyay ayaa waxaa cadeyn u ah tirada markii hore 750-qof ayuu cudurka ku dhacay waqtigan xaadirka ah tirada dadka cudurka qaba oo hoos u dhac weyn ka muuqata waa 259 ayuu yiri Wasiirka 

In ka badan 500 shaqaalaha caafimaadka dawlad deegaanka Tigray, Amhara iyo Harari iyo sidoo kale jaamacadaha Haramaya iyo Jigjiga aya barbaro galeen, si loo taageero isla markaana loo xakameeyo si uusan fiditmin, ayuu yiri. Prof Yifru

Comments are closed