Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo martigalinayay shirka wuxuu ka digay weerar kale oo maraykanku ku qaado Siiriya aysan wax u dhimayn oo kaliya gobolka balse ammaanka oo caalamka oo idil, isagoo ku tilmaamay weerarka maraykanka mid xadgudub ku ah sharciyada Caalamiga ah.
Wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa difaacday go’aanka madaxweyne Donald Trump ee weerarka, iyagoo ku tilmaamay inu ahaa sharci, oo loo cudur-daari karo , iskuna dheelitirnaa, waxayna sheegeen in weerarkii hubka kiimikada ee dadka badan lagu laayay uu yahay dambi dagaal oo mudan in lagu xisaabtamo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.
Ugu dambayntii, Wasiirada arrimaha dibada ee Iiran iyo Suuriya Walid Muallem iyo Mohammed Javad Zarif ayaa dhinacooda sheegay in kulankan iyo go’aamada ka soo baxay shirku uu fariin culus u dirayo maraykanka, oo ay ka jawaabi doonaan weerar kale oo lagu soo qaado dalka Suuriya.
Comments are closed