Hogaaminta Ururka ESDAQ Ee DDSI Kulan La Yeesheen Safaarada Itoobiya Qadar Si loo Dardar-galiyo Ururka
Qatar (estvlive) 16/04/2017
Ururka Hurumarinta DDSI ee Qatar (ESDAQ) Ayaa shir dardar galin ah laqaatay safaarada DFI ee qatar Ugu horrayntii waxaa shirka furay xoghayaha ururka Mr. C/Samad Maxammed asagoo warbixin hor dhac ah iyo ajandayaasha shirka kahor akhriyay madashii shirka.
Gudoomiyaha Ururka Mudane Nuur maxamuud oo shirka hogaaminayay ayaa bixiyay war bixin dheer oo kusaabsanayd ilaa markii la’aas aasay ESDAQ gudoomiyuhu wuxuu tibaaxay in ururka muddooyinkii hore uusan dhaqdhaqaaq badan samaynin hasayeeshee ay safiirka DFI ee qatar ay isku afgaryeen in dib u habayn lagu sameeyo hogaanka sare ee ururka si loo dardar galiyo hadafyadii ururka.
Doodbadan oo xubnaha dhexmartay kadib waxaa la ansixiyay 15 xubnood oo guddi ah safaaraduna goobjoog ayay ka ahayd.
Ato/Dereje oo ah madaxa xafiiska qurbajoogta ee safaaradda DFI ee dalkan qatar ayaa ugu danbayntii sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadwaynaha kasoo jeeda DDSI ee ku dhaqan dalka Qatar ay u midoobaan siday uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhankasta ah ee deegaanka asagoo waliba u mahad celiyay guddidii is xilqaantay ee soo abaabulay shirka.
Comments are closed