Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safirika cusub ee Shiinaha.
Muqdisho (estvlive) 16/04/2017
Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya, waxaana labada Dowladood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.
Xiriirka diplamaasiyeed ee Soomaali iyo shiinaha wuxuu bilowday bishii december ee sanadkii 1960kii, iyadoo heshiiskii ganacsi ee u horreeyay ay kala saxiixdeen bishii june 1963dii. xiligii dagaalkii qaboobaa, dowladii Soomaaliya waxay u ololaynaysay in laga qaado xayiraadii dimlamaasiyadeed lagu hayay wadanka shiinaha, waxayna taageertay in kursi joogta ah laga siiyo gollaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Comments are closed