Madaxweyne Gaas:Dib Ha Loo fiiriyo Ciidamada Ajnebiga ah ee Dalka Jooga

Garoowe (estvlive) 16/04/2017

Madaxweynaha dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalaya shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda ayaa ku baaqay n dib loo fiiriyo ciidamada ajnebiga ah ee jooga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wax kasta oo dan u ah Soomaaliya maslaxadooduna ku jirta oo ah midnimada ummadda Soomaliyeed oo ku midaysan hal magac iyo hal hadaf.

 

Wuxuu tilmaamay in marka hore loo baahan yahay  hadaf midaysan laga yeeshee oo suuragal ka dhigi kara hirgelinta ciidan qaran oo ka madaxbanaan siyaasad iyo qabiil, isagoo ballanqaaday in dowladda Puntland ay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dhismaha ciidankaasi.

” ciidamada ajanebiga kama wax qabad roona cidanka Soomaliyeed ee hadh iyo habeen u heegan ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada ummaada Soomaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha Puntland, oo sidoo kale soo jeediyay  in madaxda Soomaalidu ay  meel uga soo wada jeesato soo afjarida kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha Puntland ku adkeeyey masuuliyiinta kale ee shirka kala qayb galay in shirka dhowaan ka dhicidoona Lodon ee lagaga hadli doono arrimaha Soomaliya laga yeesho hadaf cad oo dan u ah masiirka iyo horumarinta shacaka Soomaliyeed.

Gabagabdii, Madaxweynuhu wuxuu xasuusiyay  madadaxda Federaalka  in xaalada abaartu ay  marayso marxad adag, waxaana  loona baahan yahay buu yiri in meel looga soo wada jeesto gurmad deg-dega oo lagu caawinayo dadkaasi dhibanayaasha

Comments are closed