Hay’adaha u gurmada dadka Tahriibta ayaa sheegay in Jimcihii illaa Axadii shalay bada laga soo badbaadiyey dad ka badan 3000 qof.
Gurmadka ka socda bada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la kordhiyo iyadoo la saadaalinayo in doonyo badan oo dad tahriib ah sida ay wadada kusoo jiraan, maadaama xiliyada hawada wanaagsan tahay ay soo baxaan doonyahaasi.
Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyey inay shalay ku dhimatay doonyihii dadka tahriibta siday, waxaana ku jiray caruur.
Waxaa dhinaca kale sii kordheysa tirada caruurta ah oo kamid ah dadka tahriibaya taasi oo ay walaac weyn ka muujiyeen hay’adaha gargaarka ee isku dayaya inay u gurmadaan dadka doonaya inay gaaraan xeebaha qaarada Yurub.
Comments are closed