Madaxweynaha DDSI dib Jigjiga ugu soo Laabtay Shir jaraa’id kaga hadlayo Heshiiska Oromada Qaban doono

Jigjiga  (estvlive) 21/04/2017

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada Jigjiga.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka mid ahaa wafdigii heshiis lagalay Ismaamulka Dawlada deegaanka Oromada oo halkaasi ay ku kala saxiixdeen Arrimo Badan.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qaban doono shir jaraa’id uu ku faahfaahin doono heshiiska ay kala saxiixdeen labada Ismaamul taasoo hadal haynta u badan Labadii maalmood u dambeeyay uu madaxweynaha kula jiray shirkii Addisababa

Wariye Madaale jigjiga
email estvnews@hotmail.com

Comments are closed