Madaxweyne Cabdi iyo Madaxweyne Lemma Kulan Heshiiskii Lagu Lafagurayo Dirdawa Lagu Qabtay

Diredawa (estvlive) 26/04/2017

Waxaa maanta magaalada diredawa lagu qabtay Shirweyne ay hogaaminayaan labada Madaxweyne ee kala ah Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Oromada Mudane Lemma Megersa.

Waxaa kaloo ka soo qeybgalay Labada Ismaamul Odayaashooda Dhaqanka iyo Masuuliyiinta Hogaaminta Gobolada iyo Saraakiisha Aminga iyo Hogaaminta Xisbiga.

Kulan weynahan ayaa ah mid wadada loogu xaarayo heshiiskii dhawaan ay wada galeen labada Madaxweyne ay ku kala saxiixdeen Magaalada Addisababa uu Goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Kederaalka iyo reer Guuraaga Mudane Kassa Tekleberhan.

Sida lawada ogsoonyahay waxaa jiray khilaafaadyo dhanka soohdinta udhexeysa labada shacab ee kasoo jeeda dawlad deegaanada soomaalida iyo oromada balse haatan laga gaadhay heshiis kama danbays ah oo xal waara unoqonaya shacabka walaalaha ah ee labada dhinac ee uu daris wanaagu kadhexeeyo.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo faahfaahiyay heshiiskan labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu waxtar balaadhan uleeyahay shacabka walaalaha ah ee labada dhinac marka dhinac walba laga eego isagoo xaqiijiyay in lakala xadeeyay 147 qabalee oo wax hadhsan uusan jirin maadaama ay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay gudi technical ah oo kakooban maamulada qabaleeyada ee labada dhinac. 

Maamulada degmooyinka ee labada dhinac, Odayaasha iyo shacabka labada dhinac iyo wakiilo kasocday wasaarada arimaha federalka ee JDFI, ciidanka federal policeka iyo ciidanka difaaca qaranka ay hoos ugu dhaadhaceen goob walba iyagoo tagay gaar ahaan tuulooyinka iyo degmooyinka uu khilaafku kajiray eegayayna sida uu dhulku yahay iyo sida loo kala xadaynayo islamarkaana kagaadhay guulo laxaad leh oo midho-dhalay.

Ugu dambeyntii kulan weynahan maanta ka socdo Magaalada Diredawa oo lagu lafagurayo heshiiska wixii ka soo baxa wararka dambe ayaan idin ku soo gudbin doonaa

 

Comments are closed