Shanta Nin ayaa lagu soo qabtay howlgallo ay ciidamadda maamulka Galmudug ay ka sameeyeen magaalladda Gaalkacyo, kadib markii Booliiska ay ka war heleen dhacdadaasi.
Bishii Janaay ee sanadkaan, Shan Dhallinyaro ah oo dhamaadka sanadkii 2016 labo Gabdhood ku kufsaday Degmadda Galdoagob, kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa Maxkamad ku taalla Puntland ay xukuntay.
Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib, maamulka Puntland ay ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay [Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xarig iyo ganaax lacageed.
Comments are closed