Kulankan ayaa la leeyahay waa mid ka heer sareeya shirarkii dhacay maalmihii aynu soo dhaafnay, waxaana la filayaa in uu ka qeyb-galleen wafuud ka ballaaran intii hore.
Kulamadan ayaa la filayaa in lagu gaaro hishiisyo quseeya iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya iyo beesha Caalamka.
Shirka London ayaa ayaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan in ka badan 50 dowladood, waxaana lagu wadaa in Soomaaliya loogu yabooho taageero dhaqaale.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Britain marti-galiso kulan heer caalami ah oo looga hadlayo xaalada Soomaaliya, hasse ahaatee kulankan ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, madaama lagu eegayo xaaladaha amniga, siyaasada iyo abaaraha ka jira dalka.
Comments are closed