Al-shabaab oo Askari Maraykan Ah Ku Dilay Shabeleda Hoose

Muqdisho (estvlive) 06/05/2017

Askari maraykan ayaa lagu dilay dagaal lagu qaaday kooxda Al-shabaab degaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose oo 4o km galbeedka ka xiga Caasimadda muqdisho.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM  wuxuu sheegay in askarigan uu geeriyood ka dib markii  ay fuliyeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qaybgaleen Ciidamadda Milateriga Dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi  lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanada Al-shabaab

 

 

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka, waxay ku xiran tahay ee Al-Qacida waxay dishay dad Mareykan ah, waxay xagjir ka dhigtay oo ay dagaalyahano ka qoratay gudaha Mareykanka, waxayna isku dayday inay fuliso ama dhiiri-geliso weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadeena dunida”.ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay inay  sii wadayaan taageerada la siiyo ciidamada Soomaalida, Ciidamada kale nabad ilaalinta Amisom iyo saaxibada gobolka,  islamarkaana ay sii wadi doonaam tababaradii ciidamadda si  bay loo burburiyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

Gabagabadii, Waa askarigii ugu horreeyay ee Maraykan ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya muddo 11 sanno.

Comments are closed