Madaxweynaha DDSI oo Kulan Layeeshay Shacabka Degmada Baabili Deegaanka Oromada

Baabili (estvlive) 08/05/2017

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada baabili ee deegaanka oromiya. Ujeedada socdaalka waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa qayb ka ahayd sidii loo dhaadhicinlahaa hirgalinta heshiiska hore looga gaadhay khilaafkii xuduuda u dhaxaysa labada shacab ee dawlada deegaanka somaalida iyo dawlad deegaanka oromiya

 

Hadaba wwaftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa kulan balaadhan la qaateen mas’uuliyiin ka socotay deegaanka oromiya oo uu hogaaminayo hogaanka nabadgalyada deegaanka oromiya Dambalaash iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baabili iyo nawaaxigeeda. Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulankani yahay sidii looga hirgalinlahaa qaybaha kala duwan ee bulshadana fahan buuxa looga siinlahaa adkaynta heshiiskii ay dhawaan gaadheen labada dawlad deegaan. Wuxuuna madaxwaynaha DDSI tilmaamay in labada shacab ay yihiin kuwo walaalo ah oo aan marnaba kala maarmikarin sidaasi darteedna tahay in la sii xoojiyo nabad kuwada nool laanshaha labada shacab

Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankaasi hogaanka nabadgalyada ee deegaanka oromiya oo wakiil ka ah madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Dambalash kaas oo sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhiya oo la hirgaliyay dhaadhicinta heshiiskii ay gaadheen labada deegaan shacabka labada deegaana yahay kuwo walaalo ah islamarkaana loo baahanyahay in si walaaltinmo ah loo wada noolaado lana xoojiyo heshiiskii nabadeed ee dhexmaray labada deegaan.

Sidoo kale  Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baabili iyo nawaaxigeeda ayaa iyana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiintan maanta soo gaadhay iyo heshiiska ay gaadheen labada deegaan waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan heshiiska dhaxalgalka ah ee dhexmaray labada deegaan.

Comments are closed