Shilka lagu dilay Marxuum Tahliil laguna dhaawacay Haweeneyda waxaa uu ka dhacay Al-baabka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017.
“Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa soo gaartay cabasho ka timid ehelada Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, intaasi kadibna, waxaa la bibaabay baaritaan waxaana lasoo xiray sarkaalkii dhacdadaasi lagu eedeyay oo ahaa darawalkii dhibka geystay”, sidaasi waxaa yiri Gudoonka Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute.
24-kii bishii April, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyadda ku qaabilay ehelada Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane, oo Madaxtooyadda horteeda uu ku jiray mid ka mid ah gadiid galbinayay Madaxweyne Farmaajo.
“Marxuumka naxariistii janno Alle haka waraabiyo, qadar ayuu ku dhintay, dowladda Soomaaliya way ka garaabeysaa geerida Marxuumka, ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilka ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda Marxuumka aysan dowladdu meel cidla ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri madaxweynaha.
Cabdi Jimcaale Hubbane, oo la dhashay Marxuumka dhintay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, sida uu u ixtiraamay qoyska dhibanaha ah.
Allaha ha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane ayaa waxaa uu ka tirsanaa shaqaallaha Wasaaradda Wafaafinta.
Comments are closed