Shirwaynihii Wadatashiga iyo Xog-iswaydaarsiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Oo La soo gabagabeeyay.

Jigjiga (estvlive) 14/05/2017

Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 8aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo mudo shan maalmood  ah socday.

waxaana soo xidhitaankii shirwaynahan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii u mahad naqay ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka  deegaanka sida meeqaam ka sare ee ay uga qayb-qaateen mudadii uu shirku socday. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay xogtii, fikiradii iyo talooyinkii ka soo baxay ergooyinka  iyo  odayaasha deegaanka ee ka soo qaybgalay shirwayanaha wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI ay  noqonayaan kuwa gashi u noqonaya xaqiijinta  hirgalinta qorshayaasha horumarineed  nabadgalyo iyo maamulka suuban ee deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabka Deegaanku sii xoojinayaan wax soo saarka beeraha taasi oo ah tubta kaliya ee lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

dhankooda  ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ka soo saareen  shirwaynihii wadatashiga iyo xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka  kaasi oo ku salaysnaa dhibaatooyinkii sanadihii hore soo daashaday shacabka deegaanka gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada dhibaatooyinkii  uraradii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka ay ku hayn jireen shacabka deegaanka  sida  dhicii, dilkii, kufsigii iyo xasuuq wadareedyadii ay UBBO iyo alitixaad ku hayn jireen shacabka deegaanka   iyo  maamul xumadii ka jirtay degaanka ee aan awoodayn  in ay  shacabka deegaanka ka ridaan  nabaddiidka dhiiga ka jaqayay.

sidoo kale warmurtiyeedkan ayaa tibaaxayay  guulaha dhinacyada badan ee sanadihii ugu danbeeyay ay xukuumada DDSI  haatan ka arimisa  ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada horumarka, maamul wanaaga, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba  iyo waliba  sii joogtaynta guulahaasi,  ergooyinka iyo odayaasha dhaqameedka  deegaanku waxay si mug leh ugu mahad celiyeen  hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu  horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, hogaaminta JDFI oo u ugu horeeyo  Raysal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn  iyo qaarka mid ah dawlad deegaanada dalka sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen ka samatabixinta xaaladaha abaarta  shacabka deegaanka ee abaaruhu saameeyeen

Ugu danbayntii waxay balan qaadeen ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanku in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka gabagabadiina waxay ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka DDSI abaalmarin sharafeed gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar 

Comments are closed