Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro.
Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa:
1. Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow Bakool 1919 24 Jir
2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg G/gadud 1915 28 Jir
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo Mudug 1917 26 Jir
4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir
5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir
6. Dheere Xaaji Dheere Muqdisho Banadir 1926 17 Jir
7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) Hobyo Mudug 1925 18 Jir
8. Cali Xasan Maslax mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 Jir
9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho Banadir 1927 16 Jir
10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud 1925 18 Jir
11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi Muqdaisho Banadir 1918 25 Jir
12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax Mareereey Sh/hoose 1926 17 Jir
13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere Gedo 1910 33 Jir
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aas-aasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-
1- In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.
2- In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
3- In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay.
SYL, ayaa kaalin muuqata ka qaadatay in gumeystayaashii dalka laga ceyriyo, umadda Soomaaliyeedna ay helaan xuriyad buuxda.
Halkaan ka dhegeyso taariikhda SYL, oo uu ka sheekeynayo AXMED FAARAX IDAAJAA, balse waxaa taariikhadan uu duubay sanadkii 2016.
Comments are closed