Fanaaniinta reer Norwey ayaa heeso kala duwan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo waftiga u hogaaminayay iyo weliba bahda saxaafada oo iyagu si toos ah u tibinasay barnaamijkii iyo maamuuskii ay xanbaarsanayd xafladii xalay ka dhacday magaalada Oslo.
Intii ay socoto Xafladu Waa khudbado kooban halkaasi ka soo jeediyay Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, iyo siyaasiyiin ka tirsan ururada siyaasadeed ee dalka Norwey, kuwasoo dhamaantood si isku mida uga hadlay adkaynta amniga iyo horumarinta Puntland iyo sidii DawladdaPuntland loogala shaqayn lahaa siyaasada ku aadan maalgashiga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee hawsheedu sida baaxada leh usocdo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo afmeeray ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Soomaalida Norwey, isagoo welibana mahad gaara nu naqay Jaaliyada Puntland ee wadanka Norwey iyo weliba Jaaliyadaha kale ee reer Puntland ee Wadamada kale uga yimi si ay usoo dhaweyaan Madaxweynaha iyo Weftigiisa.
”Puntland waxay qaaday dhabahii horumarinta, waxaan xooga saaraynaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo hurumarinta waxabarashada iyo caafimaadka, waxaan ka shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah” ayuu yiri Madaxweyne Gaas, isagoo sii raaciyay
“waxaan ku dedaalaynaa in la helo cadaalad qofkasta ku qanci karo, illaahay keliya ayaa cadaalad bixin kara, balse waxaan ku dedaalaynaa in Puntland sida ay u dhisan tahay u ekaato, waa taas taan rabaa, Gudoomiyaha Baarlamaankana ugaga codsaday in dib loo furo Baarlamaanka oo dadka ka maqani ay ku soo biiraan oo ku yeeshaan cid metesha, waxaan doonayaa in Puntland ay ka wanaagsanaato berrito halka ay maanta taagan tahay”
Gabagabadii, Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu ku booriyay Jaaliyadda reer Puntland ee Qaarada yurub inay dedaadaalaan, kana qaybqaataan horumarka ka socda Soomaaliya. Waxaa kaloo uu kula dardaarmay in caruurtooda ay dalka keenaan oo dhaqanka iyo diinta baraan.
Comments are closed