Madaxweynaha ayaa la sheegay in laga duubay telefonkii uu u diray Eduardo Cunha isagoo u balan qaadaya lacag laaluush ah haduu qariyo sirtiisa isla markaana uusan wax xog ah siin Xeer illaalinta baaritaanka wada.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa beeniyey warkan soo shaac baxay iyagoo sheegay in aysan jirin wax lacag laaluusha ah oo uu Madaxweynaha siiyey ama u balan qaaday saaxiibadiisa xabsiga ku jira.
Fadeexadii musuq maasuqa ee Shirkada batroolka dalkaasi ee Petrobras ayaa ahayd mid ay ku lug lahaayeen inta badan siyaasiyiinta iyo madaxda dalkaasi Brazil, Madaxweynaha Temer oo horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeen ayaa xilka la wareegay sanadkii hore kadib markii Awooda laga xayuubiyey Madaxweynihii hore Mrs. Dilma Rousseff.
Comments are closed