Go’aanka kasoo baxay Wasaarada Cadaalada ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka taagan tahay go’aankii Madaxweyne Trump xilka uga qaaday Agaasimihii FBI-da James Comey oo isagu baaritaankan waday.
Mueller ayaa lagu tilmaamaa nin dhex dhexaad ah wuxuuna awood u yeelan doonaa inuu soo xusho kooxda baaritaankan sameyn doonta. Robert ayaa ahaa Agaasimihii ka horeeyey James Comey ee FBI-da, wuxuuna xilkaasi hayey 12 sano. Wuxuuna ahaa madaxii FBI-da xiligii ay dhaceen weeraradii 911 ee sanadkii 2001.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si weyn loo tuhunsan yahay inuu xiriir qarsoodi ah la leeyahay dowlada Ruushka oo faro gelin weyn ku heysay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii lasoo dhaafay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii shalay difaacay Madaxweynaha Maraykanka Trump, isagoo beeniyey fadeexadii kulankii todobaadkii hore dhexmaray Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Lavrov iyo Trump, waxaana lagu cambaareeyey Trump inuu xog SIR muhiim ah si khaldan ulla wadaagay wafdiga Ruushka.
Putin ayaa sheegay in xiisadan ay tahay waali siyaasadeed ee xiligan ka jirta Maraykanka, isagoona sheegay inay shaacin karaan dhamaan hadaladii dhexmaray wafdiga Ruushka iyo Trump hadii dowlada Maraykanka ay raali ka tahay.
Comments are closed