Trump oo Booqashadiisii u Horreysay Ku Tegay Sucuudiga

Mareykanka (estvlive) 20/05/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horraysay  tan iyo markii xafiiska uu qabtay, wuxuu ku tegay boqortooyada Sucuudi Carabiya, isagoo maanta ka degay Magaaladda Riyad

Boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdicasiis ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Trump iyo xaaskiisa Melania Trump, waxayna is-dhaafsadayn salaan diiran, waxaana uu sheegay trump inay sharaf u tahay inuu sucuudiga soo booqdo

 

Agaasimaha Aqalka cad Reince priebus wuxuu sheegay in Booqashada  trump ay la xiriirto dhismaha xiririir wadashqaynayd oo adag oo lagu wajaho argagixisada gobolka, waxaa kaloo khudbad ka jeedin doono shirka madaxda wadamada Islaamka iyo Maraykanka ee ka dhacay Magaalada Riyad.

Trump, booqashiida tan xigta wuxuu ku tegi doona wadanka isreal, waxaana madaxweynihii u horreeyay ee Maraykanka ee booqashadiisa kowaad ku tega wadan muslim ah.

Comments are closed