Cabdullahi Sheekh Mxamed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in askarta ay ku dhinteen miino waddada dhinaceeda lagu aasay.
“Waxaa naga geerooday afar askari, kadib markii gaari ciidanka ay wateen uu ku dhacay Miino, balse waxaan dilnay lix kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab”, sidaasi waxaa yiri sarkaalka.
Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.
Dagaalyahannada Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliyay degaannada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa Goboladda Baay iyo Bakool.
Xaaladda degaanka Mad Sheikh oo hoos taga degmadda Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa maanta degan sida dadka degaanka ay u sheegeen warbaahinta
Comments are closed