Madaxweyne Trump oo la kulmay Maxamuud Cabbaas

Falastiin (estvlive) 23/05/2017

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, waxaa ayna ka wada hadleen arimo dhoor ah ay ka mid yihiin wadahadalada Falastiin iyo Israa’il.

Kulanka labada madaxweyne ay yeesheen ayaa xoogiisa looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii nabada bariga dhaxe ee u dhaxeeyay dowlada Falastiin iyo maamulka Israa’il ee xooga ku heesta qeybo badan oo kamid ah dhulka Falastiin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu xooga saari doono sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalada nabada ee Falastiin iyo Isra’iil, waxaana uu balan qaaday in uu ka shaqeyn doono nabada bariga dhaxe.

Donald Trump oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa sidoo kale la kulmay ra’isul wasaaraha Yahuuda Isra’iil, waxaa ayna ka wada hadleen arimo badan oo ku aadan colaada Falastiin iyo cabsida Yahuuda ay ka qabto Iiraan.

Comments are closed