Qaar kamid ah Qoyska Ninkii isku Qarxiyey Manchester oo xabsiga la dhigay – VIDEO

Manchester (estvlive) 25/05/2017

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Liibiya ayaa xabsiga dhigay aabaha dhalay wiilkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ee habeenkii salaasada soo galeysay ka dhacay stadium ku yaal magaalada Manchester ee dalka UK.

 

Ramadan Abedi ayaa lagu xiray magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya, waxaa sidoo kale isaguna xabsiga la dhigay wiil ay wada dhasheen ninka weerarka fuliyey. Hisham Abedi oo ka yar Salmaan Abedi oo ahaa ninkii is qarxiyey ayaa isagana laga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish oo uu laftiisa doonayey inuu isku qarxiyo magaalada Tripoli.

Aabaha wiilashan dhalay ayaa isagu intaan la xirin saxaafada u sheegay in wiilkiisa uusan wax xiriir ah lalaheyn kooxda Daacish, isagoo sheegay inay telefonka ku wada hadleen maalmo kahor uuna u sheegay inuu u socdo magaalada Makkah Al Mukaramah.

Dhinaca kale Dowlada Ingiriiska ayaa si weyn uga carootay in saxaafada lagu faafiyey xog sir ah oo ay la wadaageen sirdoonka Maraykanka oo la xariira ninka geystay weerarkii Manchester.

Dowlada UK ayey kadis ku noqotay markii saxaafada Maraykanka shaaciyeen magaca Salmaan iyo waliba sawiro laga soo qaaday goobta weerarka ka dhacay xogtaasi oo la rumeysan yahay inay saxaafada ka heleen sirdoonka Maraykanka.

Sawirka Qarxiyihii loo adeegsaday weerarkii Manchester oo ay sirdoonka u gudbiyeen Jariirada New York Times

Ciidamada wada baaritaanka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xogtan saxaafada lasiiyey ay caqabad ku noqon karto baaritaankooda.

Raysalwasaaraha UK Theresa May oo maanta oo Khamiis ah ka qeyb geli doonta shirweynaha NATO ee ka dhacaya dalka Belguim ayaa sheegtay in inta shirkaasi socdo ay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isaguna halkaas ku sugan ay kala hadli doonto fadeexadan sirta uu Maraykanka u gudbiyey saxaafada Maraykanka, taasi oo saameyn ku yaalan karta xiriirkii wanaagsanaa ee horey uga dhaxeeyey hay’adaha sirdoonka ee labadaasi dal.

Comments are closed