AMISOM oo Ciidanka Qaranka ku wareejisey qayb kamid ah deeq ka timid dalka Shiinaha

Muqdisho (estvlive) 26/05/2017

Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gacanta u geliyey ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, qalab iyo agab wax tar u leh ciidanka Soomaaliya.

Qalabka lagu wareejiyey ciidanka Qaranka ayaa ayaa waxaa ku deeqay Dowladda Shiinaha, waxaana si toos ah loogu wareejiyey Taliyaha ciidanka qalabka sida Gen. Maxamed Axmed Jimcaale, waxaana goobta qalabka lagu wareejiyey ku sugnaa Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira.

 

Qalabka lagu wareejiyey ciidanka Soomaaliya ayaa ah saddex Jikooyinka cunada ah oo la qaadi karo, kuwaas oo cunno loogu karin karo 600 oo askeri, agabka lagu seexdo, shabaqa kaneecada laga galo (Sansayeeri), dharka iyo koofiyadaha xabbaddu aaney karin iyo teendhooyin ciidanka, waxaana qalabkan ay ciidanka ka caawinayaan hawlgalada ay u baxaan in ay adeegsadaan.

Taliyaha ciidanka qalabka sida Gen. Jimcaale ayaa sheegay in qalabkaani yahay mid si weyn wax u taraya ciidanka Qaranka, waxaana uu ahaa mid aan baahi weyn u qabney ayuu yiri.

Wareejinta qalabkan ayaa lagu soo beegay xuska maalinta Afrika oo la xuso 25 May sanadkasta.

Comments are closed