Dr Sacad Cali Shire oo la weydiiyey in Imaaraadku u adeegsan karo saldhigga ay Berbera ku yeelanayaan in ay ka weerari karaan dalal kale, ayuu yiri
“….. Waa Saldhig Milteri waxaaana looa adeegsan arrimaha milteri, waxaa la samaynayaa garoon cusub oo saldhiggu yeesho….” ayuu yiri Dr Sacad.
Sacad Cali Shire ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in saldhiga milateri ee Imaaraadka ee Berbera uu khalkhal ka abuuri karo gobolka, waxa uu tilmaamay in horay Imaaraadku saldhig milateri ugu lahaayeen magaalada Casab ee dalka Ereteeriya, halhaas ayaan hadda uga dhaw haddii ay Yemen ka weerarayaan ayuu yiri Wasiirka Arrimaha DIbadda ee Somaliland.
Heshiiska Saldhigga Berbera ay ku yeelanayso Imaaradku ayaa muran badan dhaliyey, waxaana uu daba socdey wareejinta dekadda ee ay la wareegtey DP World. Wasiirka Arrimaha DIbadda ee Somaliland ayaa mar kale diidey in Dowladda federaalku ay wax door ah ku lahayd saxiixa heshiiskaas.
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dalbadey in faahfaahin ay Xukuumaddu ka bixiso heshiiska Berbera.
Saldhigga Milteri ee Imaraadku ayaa laga dhisayaa meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Berbera oo kamid ah garoonada loo dhisey arrimaha ciidanka.
Dalka Imaraadku waxay hadda dagaal kula jiraan Xuutiyiinta Yemen, Diyaaradaha Imaraadka ayaa kamid ah kuwa duqeynta ba’an ku haya magaalooyinka Xuutiyiinta Yemen iyo Rajiimkii hore ee Yemen ay ku sugan yihiin
Comments are closed