Madaxweynuhu wuxuu ugu horrayn ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed dhalashada bisha ramadaan ee Barkaysan, ka dibna wuxuu faafhaahin ka bixiyay shirkii London ee arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayay kaasi oo uu ka qaybgalay
‘’shirkii London waxaa ugu muhiimsanaa ee laga wadda hadlayna waxay ahaayeen nabad gelyada iyo xasiloonida dalka sidii wax looga bedeli lahaa, go’aamo waxaa jirey bishii April 17 2017 lagu qaatay Xamar oo ku saab sanaa qaab dhismeedka ciidanka qaranka iyo sidii loo helilahaa ciidan leh subad qaran oo dalka dibed iyo gudoba ka difaacikara cadawga, arrintaasi waxbaa lasyka yiri, waxabaana lasyku raacay, dabeedna shirka London waxay ahayd in laga wada hadlo qaabkii loo hirgelin lahaa dawladda Soomaliyeedna looga taageerilahaa arrintaa iyadda ah, muhiimada shirku intaas ayay ahayd wixii kale oo soo raacana waxay ahayd arrimaha dhaqaalaha iyo shaqa abuurista bulshada Soomaaliyeed’’. Ayuu yiri Madaxweyne Gaas
Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay safaradii uu ku tegay wadamada Scandanevianka ee Qaarada Yurub, wuxuu sheegay in shirkii London kadib ay lagama maarmaan noqotay in waxkhti lala qaato qurba joogta reer Puntland ee ku dhaqan qaaradda Europe, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in qurba joogtu ay dalka waxbadan tarto kuno soo kordhiso, isla markaana ay xaq u leeyihiin in looga warro wacyiga dalka maanta yaala.
‘’Fursad baynoo ahayd anaga ka Puntland ahaan inaan Europe joogno oo wakhti laqaadano qurba joogtayada, muhiimada aanu u aadnayna halkaasi qayb bay ka ahayd inaanu soo arragno, waxa badan bay qurba joogtu dalka tartaa ,waana u baahan yihiin in looga waramo dalkooda, loogana waramo waxa dalka ka jira dhib iyo dheefba, horumarka socda, caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira, in lootago oo loo waramo muhiim baynala ahayd, iyagana aanu waraysano, aaraar bay qabaan, fekeray hayaan wadanka khuseeya muhiimna way tahay inaanu uga xog warano’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.
Gabagabadii, Madaxweyne Gaas wuxuu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen in tii ku nafweydey dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Magaaladda Bosaso, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof, 12 qof kalena ay ku dhaawacmeen. waxaa kaloo uu ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadda hoosyimaada degmada Buurtinle inay joojiyaan shidada iyo dhibaatada, isla markaana ay kawada shaqeeyaan nabada, xasiloonida iyo deris wanaaga.
Comments are closed