DAAWO USA: Cunsuri dilay rag caawinayey gabar muslim ah- VIDEO

Mareykanka (estvlive) 28/05/2017

Hay’ada FBI-da ayaa baaritaan ku wada weerar Jimcihii ka dhacay magaalada Portland ee gobalka Oregon oo uu Nin cunsuri cadaan ah ku dilay labo qof.

 

Weerarkan ayaa ka dhacay Tareenka magaaladaasi laga raaco, waxaana la sheegay in nin cunsuri cadaan ah uu weerar ku qaaday labo gabdhood oo tareenka saarnaa oo mid kamid ah wadatay xijaabka.

Ninkan oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Islaamka iyo muslimiinta ayaa waxaa isku dayey inay qabtaan qaar kamid ah dadkii tareenka saarnaa, wuxuuna mindi ku dilay labo nin oo kale oo isku dayey inay caawiyaan gabdhahaasi.

Booliiska ayaa isla maalintaasi soo qabtay ninkan oo horey xabsiga looga soo daayey kana mid ah cunsuriyiinta neceb dadka aan cadaanka ahayn. Gacan ku dhiiglahan ayaa maxkamada lasoo taagi doonaa Salaasada soo socota.

Comments are closed