DAAWO Wasiir Maajida oo Daahfuray Tababar Hirgalinta Qiimaynta Darajasiinta Shaqada

Jigjiga (estvlive) 30/05/2017

Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI  oo ay ujeedadiisu tahay sidii Gobolada,Degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka DDSI  looga  hirgalin lahaa nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (job evaluation and grading)  wajigiisii 4aad   iyo sii xoojinta  maamulka suuban  ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga gaar ahaan madasha  shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.

 

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta gobolada, degmooyinka DDSI iyo maamulka magaalooyinka DDSI  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadashay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamud  oo ka warbixisay ujeedooyinka tababarkan iyo istaraatajiyadaha laga leeyahay taasi oo ah in si cad loo qeexo cid kastaana garato kaalinta uu shaqaaluhu ku leeyahay hirgelinta waajibaadyada shaqada iyo natiijooyinka laga sugayo shaqaalaha heerar-kooda kala duwan . Wasiirka  ayaa sheegtay  in masuuliyiinta  maamulada gobolada iyo degmooyinka DDSI  looga baahan yahay in ay kaalin tooda ka qaataan hirgalinta nidaamkani qiimaynta iyo darajo siinta shaqada si loo dar dargaliyo shaqooyinka haay’adaha dawlada layskuguna dheeli tiro shaqada iyo darajasiinta shaqada iyo sii xoojinta hirgalinta iyo hoos I dhaadhicinta maamulka suuban ilaa heer tuulo.

Dhankiisa Wasiir ku xigeenka  xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Aadan Xasan ayaa ka warbixiyay  in barnaamijyada lagu horumarinayo lagu hirgalinayo  qiimaynta iyo  daraja siinta shaqatu tahay mid kor u qaadaya tayada adeegyada  shaqada xafiisyada dawlada  isaga oo  sheegay  in  si loo xoojiyo awooda fulineed ee shaqooyinka lagu hirgalinayo qorshayaasha horumarineed ee dawlada  in ay muhiim tahay in si cad loo tuso Hanaanka shaqaalaynta, dalacsiinta, bedelka iyo darajasiinta shaqada iyo dhaqangalinta nidaamka maamulka suuban . wuxuuna kula   dar-daarmay hogaaminta gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee  tababarku u furmay in ay si habsamiya u qaataan kana hirgaliyaan xafiisyadii ay ka socdeen.

 

Dhankooda  hogaaminta  maamulada gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee loo  furay  tababarkan ayaa siwada jir ah u balan qaaday in ay nidaamka sidii loogu talagalay uga hirgalinayaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI si looga midho dhaliyo ujeedooyinka nidaamka  laga leeyahay.  Tababarkan ayaa  socod doona muddo 7maalmood ah.

Comments are closed