Soomaaliya oo kaalin ka gashay wadamada ugu wanaagsan ciidamada militariga qaarada Africa

Muqdisho (estvlive) 01/06/2017

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay wadamada marka la eego ugu wanaagsan dhinaca ciidamada militariga qaarada Africa, kaddib qiimeyn lagu sameeyay.

 

Warbixin ay soo saartay hay’adda dunida u qaabilsan ogaanshaha awooda ciidanka Millitariga ee (GFP) ayaa waxa ay ku sheegtay in dowladda Masar ay tahay dowladda Afrika ugu wanaagsan dhanka Ciidanka Millitariga.

Dowladda Masar ayaa lagu qiimeeyay in ciidamadeeda ay heystaan agab dhameystiran oo dhinaca, cirka, dhulka iyo badda ah.

Kaalinta labaad waxaa galay dalka Algeri, Saddexaad waxaa gashay Ethiopia, waxaana dhammaan ciidamadan laga qiimeeyay qalabka ay heystaan, awoodahooda dhanka cirka, dhulka iyo badda intaba.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu galay kaalinta 29-aad, waxaana keliya ka dambeeya Jamhuuriyada Africa dhexe.

Wadamada ayaa Kaalmaha waxa ay u kala galeen sida tan.

  1. Masar 2. Algeria, 3. Ethiopia, 4. Nigeria, 5. Koonfur Afrika, 6. Angola, 7. Marocco, 8. Suudaan, 9. Libya, 10. Democratic Republic of Congo, 11. Kenya, 12. Tonisia, 13. Zembabwe, 14. Zambia, 15. Chad, 16. Tanzania, 17. Uganda, 18. South Sudan, 19. Ghana, 20. Cameroon, 21. Mozembique, 22. Niger, 23. Ivory Cost, 24. Mali, 25. Madagascar, 26. Gabon, 27. Republic of Congo, 28. Namimbia, 29. Somalia, iyo 30. Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Guud ahaan marka la eego aduuniyada dalka ugu wanaagsan ciidamada militariga waxaa la sheegay in uu yahay dalka Mareykanka, waxaa ku xiga Ruushka, Chinaha, Hindiya iyo Ingiriiska

Comments are closed