Itoobiya oo Internetka dalkeeda u jartay si aan Imtixaannaadka loo qishin

Addisababa (estvlive) 02/06/2017

Khatkii Internetka ee Itoobiya oo dhan ayaa la jaray si looga hor tago in Online -ka lagu faafiyo imtixaanka heer qaran, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda.

Maxamed Siciid oo ka tirsan xafiiska xiriirka dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “In jaritaanka internetka loga golleeyahay in aysan soo laabanin arrintii sannadkii hore dhacday oo kale oo ahayn in internetka lagu faafiyay imtixaankii heer Qaran”.

Sannadkii 2016kii ayay dawladdu mamnuucday baraha ay bulshadu ku xiriirto ka dib markii imtixaankii heer qaran ee dugsiga sare lagaga gudbayay la soo dhigay Online-ka.

Imtixaannadan heer Qaran ayaa la filayaa in ay dhammaadaan siddeeda June, ka horna waxaa muuqata in dowladda Itoobiya ku dadaali doonto xifdinta Imtixaanka.

Comments are closed