Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso. Weerarka ayaa waxaa fuliyay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Yacquub Kheyre, waxaana uu dhismo ku yaalla magaalladdaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.
Warbaahinta dalka Australia, ayaa siyaabooyin kala duwan u hadal haya toogashada, waxaana dareen xooggan uu hadda hayaa jaalliyada Soomaalidda ee ku nool magaalladda Melbroune.
Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taalla magaalladda Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.
Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaalladaasi ku yaalla uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.
Dagaalyahannada Daacish, ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyada weerarka, waxaana arrintaasi ay noqotay hadal heynta Soomaalidda dalkaasi ku nool.
Faafaahinta ku saabsan sheekadan waan idin soo gudbin doonaa, waxaana isku dayi doonaa in aan la xiriirno, Jaalliyadda Soomaalidda ee dalka Austrial.
Comments are closed