Qatar (estvlive) 06/06/2017
Waxaa muuqata in markan uu cirka isku shareeray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Khaliijka, kaddib markii wadamo dhowr ah ay shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay gacan taageero siiso sida ay hadalka u dhigeen argagixisada.
Dawladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaaradaha Qadar ka xiranayso hawadeeda, waxaana la filayaaa saacadaha soo socda in tallaabadan oo kale qaadaan dowladdaha Sacuudi Carabiya iyo Baxrayn.
Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan, taasoo sii kordheysay jahwareerkii siyaasadeed ee markii horeba taagnaa.
Dowladda Qatar ayaa dhinaceeda waa ay iska fogeysan eedeynta loo soo jeediyay, waxaana ay diiday in ay taageero siiso argagixisada iyadoo ku baaqday in la qabto wadahadallo aan waxba la kala qarsan dhinacyada oo dhan.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay hawadeeda ka xiranayso Qadar Tallaadada maanta ah marka ay saacaddu ku beegantahay 7 subaxnimo ee wakhtiga Bariga Africa ama 04:00 GMT ayna socon doonto ilaa iyo inta amar dambe laga soo saarayo.
Tani waxaa ay keeni kartaan qalqal ku yimaadda garoommada magaaalada Doha ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.
Gaar ahaan go’aankan Masar waxaa uu saameyn ku yeellan doonaa duulimaadyada shirkaddaha kala ah Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.
Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jaziira u sheegay “in diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah”.
Mas’uul aan magaciisa la shaacinin oo dawladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay hawada Soomaaliya isticmaaleen 15 diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Qatar Airways Isniintii, kuwaas oo ka badan kuwii caadiyan u adeegsan jiran maalin qur ah.
Dhinaca kale dowladdaha Kuwait iyo Turkey ayaa bilaabay dadaalo diblamaasiyadeed oo ay ku qaboojinayaan xiisadda ka taagan dalalka Khaliijka ee go’doomiyey Qatar.
Axadii ayeey aheyd marki ay Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Masar, Yemen iyo Liibiya ay ku dhawaaqeen in ay xiririka u jareen dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada.
Comments are closed