Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo oo xalay mid kamid ah hotellada ku yaal magaalada Kismaayo kula shaaheeynayay qaar kamid ah dhalinyarada ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladda dalka, isagoo dhalinyarada uga jawaabayay su’aalo ku saabsan isbadallada dalka ka jira.
Madaxwaynaha oo wax laga weeydiiyay qorshaha xasilinta Xamar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorshahaas uga gol leedahay in magaalada Muqdisho ay noqoto mid xasiloon oo ammaankeeda la isku haleyn karo, islamarkaana ay doonayaan in ay magaalada ka sifeeyeen Maleeyshiyaadka Al-shabaab oo uu xusay in ay dhibaato ku hayaan shacabka iyo dowladda.
“Juhdigooda waxay isugu geeyeen in ay maqaayad sidaanoo kale in ay yimaadaan oo ay dad masaakiin ah ku laayaan, si loo yiraahdo Xamar laba qaraxaa ka dhacay, 20 qof ayaa ku dhimatay, macnaheedu ay tahay Shabaab iyo dhibkii weli waa socdaa, oo waa jiraa, xoogna waa leeyihiin, marka cadowga aan leenahay waa iyaga,” ayuu Madaxawayne Farmaajo hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu sheegay in qorshaha xasilinta xamar ay doonayaan in ay ku kala saaraan dad uu sheegay in ay dhib wadaan iyo kuwa kale oo uu Madaxwaynuhu sheegay in ay hubka u sitaan si ay ugu difaacaan naftooda.
Waxa uu yiri “Markaan leenahay xasilinta xamar waxaan rabnaa inaan kala saarno dadka dhibka wada iyo dadka qoryaha u wata in ay ayagu isku difaacaan, marka hadii aan la dagaaleeyno qolyahan dhibka wada, waa in horta aan qolada xamar hubka ku wadata oo jidadka waaweyn ku wadata, hubka weliba aan loo baahnayn oo dagaallada culus lagu galo in laga qaado ama ay guryahooda dhigtaan, inta aan kasoo jeesaneeyno cadawga aan leenahay oo Shabaab ah.”
Waxa uu sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya uu yahay in guud ahaan dalka ay gaarsiiso hannaanka hub ka dhigista, islamarkaana dowladdu damaanad qaado ammaanka guud ee dalka.
“Markii aan kasoo jeesanno, kulli waan gaarsiinaynaa Soomaaliya oo idil hub ka dhigis, maxaa yeelay, dee maxaa hub loo haystaa hadii dowladdu keeneeyso nabad, oo dowladdu cadaalad sameeyneeyso, oo qofkii dhib sheeganaayo uu yaqaano meeluu ku dacwoowo, qofka muxuu hub ku falayaa marka,” ayuu Madaxwayne Farmaajo hadalkiisii raaciyay.
Dhanka kale, Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu wadaa in goordhow uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Comments are closed