Diyaarad xamuul ah oo nooceeda uu yahay Fokker F-27, oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxyeelo xooggan ay soo gaartay, kadib iyada oo ku degeysa garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey airport (GBM) ee dalka Soomaaliya.
Diyaarada ayaa waxaa ay la shaqeyneysay shirkadda Aero-Pioneer Group Kenya.
Diyaaradda shilka gashay waxaa ay nafaqooyin iyo qalab kale oo gargaar ay u sidday hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay.
Afar kamid ah shaqaallihii la socday diyaaradda ayaa la aaminsanyahay in ay ka badbaadeen shilka.
Ma jirto war kasoo baxay dowladda Kenya iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP oo ku aadan shilka diyaaradda iyo waxa sababay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa xaqiijiyay in diyaaradan ay sidday raashin gargaar ah, isla markaana ay ka bad baadeen shaqaallihii saarnaa diyaarada.
Xuseen Maxamed Cabdi oo ka tirsan maamulka degmada ayaa sheegay in diyaaradda burburisay guriyihii ka ag dhowaa garoonka diyaaradaha oo ah halka ay diyaarada ku dhacday.
Comments are closed