Trump iyo Erdogan oo xal u raadinaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Khaliijka

Turkiga (estvlive) 07/06/2017

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Khadka Taleefoonka kula hadlay Boqorka dalka Sacuudiga si xal loogu helo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada Khaliijka kaddib markii  dhowr dowladood ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto.

Inkastoo madaxweyne Trump uu hadda u muuqdo shaqsi doonaya in la qaboojiyo xiisada, haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in uu horay u taageeray tallaabada Sacuudiga iyo saaxibadiisa kale ka qaadeen dalka Qadar.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka oo aan maagaciisa la shaacin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in farriinta Trump ay ahayd in midnimada gobolka ay muhiim u tahay la dagaalanka afkaarta xagjirnimada iyo maal-gelinta argagixisada.

Madaxweyne Trump ayaa kol hore sheegtay mas’uuliyadda cadaadiska ka dhanka ah Qadar, waxaa uuna sheegay in durbaba ay miro dhal noqotay booqashadiisii uu dhawaan Sucuudiga ku tagay.

Trump ayaa qoraallo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in xilligii uu booqashada ku marayay Bariga Dhexe uu caddeeyay in aysan jiri karin cid maalgelisa fikradaha xagjirnimnada, hoggaamiyeyaasha gobolkuna ay farta ku fiiqeen Qadar.

Dhinaca kale dowladdaha Turkiga iyo Kuwait ayaa hadda u kala dab-qaadaya Qadar iyo waddamada kale ee uu muranka kala dhaxeeyo.

Madaxweynaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan ayaa sheegay in xasaaradda ka dhex aloosan waddamada Khaliijka aan lagu xallin karin go’doomin iyo xayiraado.

Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Khadka Taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Turkiga iyo Amiirka Qadar, waxaa uuna caddeeyay in uu diyaar u yahay taageerada dedaal kasta oo lagu xallinayo arrintan.

Murankan ayaa saameyn ku yeeshay sicirka Saliidda, isku socodka dhinaca hawada iyo badda ee gobolka, waxaana arrintaasi ka dhashay in goobaha laga dukaameysto ee Qadar ay cunnadu gabaabsi noqoto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa Qadar ugu baaqay in ay xiriirka u jarto kooxda Falastiyiniinta ee Xamaas iyo kooxda Ikhwaanul Muslimiinka ee dalka Masar, waa haddii ay dooneyso in xayiraadaha laga qaado.

Comments are closed