Tartan Qur’aan midka ugu weeyn adduunka uguna abaal marinta sareeya ayaa ka soconaya maalintii 11-aad ee bisha Ramadaan, magaalladda Dubai ee caasimadda Isutaga Imaaraadka Carabta.
Inkabadan 100 dowladdood oo ka socda Dunida Muslimka oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa sanadkan ka qeyb-galaya tartanka, waxaana tartanka Qur’aan aqrinta daahfuray Ra’iisal wasaaraha dalka isku taga Imaaraadka carabta ahna xaakimka xukuumadda Dubai.
100,000$ (Boqol kun oo dollar), ayaa lagu bixinayaa abaalmarinta ardaygii kaalinta koowaad ka gala tartanka.
Arday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Cumar Madar, oo sida la sheegay ka tegay dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya tartanka Qur’aan aqrinta.
Arday kasta oo ka qeyb-galaya tartanka ayaa waxaa la socday mas’uul ka socda Safaarada ay ku leeyihiin magaalladda Dubai, balse jaalliyada Soomaalida ee dalka Imaaraadka ayaa sheegay in ardayga Soomaalidda aysan jirin cid la socota oo dhiiragelineysa.
“Haddii aan nahay jaalliyada Soomaalidda ee dalka Imaaraadka, waxaa aan aad u jeclaan laheyn in Ardayga Soomaalidda uu dhiiragelin uu ka helo mas’uuliyiinta safaaradda ama Qunsuliyada Soomaalidda ee dalka Imaaraadka , inta badan waddamada tartanka ka qeyb-galaya waxaa ay yihiin kuwo dhiiragelinaya ardayda wadamadooda ka socda balse nasiib darro wax dhiiragelin ma uusan helin ardaygeena”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Jaaliyada iyo ganacsato Somaliyeed ee Dubai.
Dhinaca kale Jaaliyada iyo Ganacsatada ayaa sheegay in ay intabadan ardayda ay la fadhiyaan safka hore safiirada ama Qunsulka ama qof mas’uul ah oo matalaya wadamadooda.
Ardayda Soomaaliyeed ayaa sanadadii lasoo dhaafay saddex jeer kaalinta koowaad ka galay tartanka, halka todobo jeerna ay kaalinta saddexaad ay kasoo muuqdeen, waxaana toban jeer ay sidoo kale kasoo muuqdeen tobanka hore ee kaalmaha gala.
Halkaan ka Daawo:
Comments are closed